Skip to content

Somali-Open-Sources/SomOpen

Repository files navigation

MIT License Open Source For Somali


SomOpen

SomOpen waa madal furan oo loogu talagalay Somali developers si ay:

  • u muujiyaan mashaariicdooda furan (open-source),
  • u dhisaan si wadajir ah mashruucyo cusub,
  • iyo u kobciyaan bulsho teknolojiyadeed oo isku xirnaan iyo is-caawimaad ku dhisan.

Waa meel aynu ku shaqeyno iskaashi ahaan, wax ku barano, wax ku dhisno, kana caawino kuwa cusub inay bilaabaan safarkooda. SomOpen ma aha oo kaliya meel wax lagu tuso, waa meel wax lagu abuuro, lagu kobciyo, lana wada leeyahay.

Hadafka guud ee SomOpen

In la helo bulsho Soomaaliyeed oo horumarsan dhanka teknoolojiyadda, oo si furan, wadajir, iyo firfircoon u dhista mashaariic tayo leh, kuwaas oo saameyn ku yeesha gudaha iyo dibadda.

SomOpen waxay rajeeneysaa inay noqoto halkii ugu horreysay ee Somali developers ay isugu yimaadaan, wax ku bartaan, wax ku dhistaan, kuna muujiyaan kartidooda adduunka.

Ujeeddada SomOpen

SomOpen waxay ujeeddadeedu tahay:

  • Inay abuurto meel furan oo ay Somali developers ku wadaagaan mashaariic open-source ah.
  • Inay dadka isku keento si ay ugu shaqeeyaan mashaariic si wadajir ah (build together).
  • Inay dhiirrigeliso is-caawin, barasho, iyo kobcinta xirfadda.
  • Inay kor u qaaddo kartida iyo muuqaalka Somali developers gudaha iyo dibadda.

Xeerarka SomOpen / SomOpen Rules

1. Xeerarka Guud / General Rules

  1. Ixtiraam dadka kale: ha isticmaalin hadal xun, cay, ama aflagaado.
  2. Ha xadin shaqada dadka kale: haddii aad isticmaasho code, qoraal, ama fikrad qof kale leeyahay, waa inaad si cad u sheegtaa magaca qofka iska leh (credit).
  3. Ha sameyn wax dhibaato keeni kara mashruuca: ha gelin code ama wax kasta oo waxyeello u geysan kara mashruuca, sida malware, khaladaad keena in mashruuca uusan si fiican u shaqeyn, ama wax kasta oo keeni kara in mashruuca uu noqdo mid aan la isku halleyn karin. Waxa muhiim ah inaad ka shaqeyso in mashruucu noqdo mid ammaan ah, shaqeynaya, oo dadka kale ka faa’iidi karaan.

2. Xeerka Mashruuca / Project Rule

Shaqada mashruuca waa inay noqotaa mid furan (public) oo dhammaan xubnaha ay si sahlan u arki karaan horumarka iyo isbeddelada socda. Admins iyo maintainers waxay masuul ka yihiin inay hubiyaan in mashruuca aanu ku xirnayn dad kooban (private), isla markaana la wadaago si daahfuran oo hufan.


3. Xeerarka Doorka / Role Rules

Maintainers

  • Ilaali tayada mashruuca.
  • Si wanaagsan u eeg codsiyada dadka kale (PRs).
  • Go’aamada muhiimka ah la wadaag admins.

Reviewers

  • Fiiri code-ka si taxaddar leh.
  • Sheeg khaladaadka si xushmad leh.
  • Ha ansixin PR haddii aadan hubin.

Contributors

  • Raac xeerarka mashruuca.
  • Qor sharaxaad cad oo sahlan.

Testers

  • Sheeg khaladaadka si faahfaahsan.
  • Hubi in features-ga cusub aysan dhibaato ku keenin mashruuca.
  • Ha sheegin khalad haddii uusan jirin.

Admins

  • Adeegso awoodda si mas’uuliyad leh.
  • Ha beddelin wax weyn adigoon ogolaansho ka helin.
  • Ilaali ammaanka (security-ga) iyo xeerarka mashruuca.

4. Marka Khilaaf Dhaco

  • La xiriir maintainer ama admin.
  • Ha isku dirin dadka kale.
  • Wada-hadal iyo ixtiraam ku dhameeya khilaafka.

SomOpen Roles

1. Admins:

  • Admins waa dadka haysta awoodda ugu sareysa ee maamulka mashruuca ama GitHub Organization-ka.
  • Waxay awoodaan inay noqdaan maintainers, reviewers, contributors ama testers, hadba sidamashruucu u baahan yahay.
  • Waxay maamulaan rukhsadaha (permissions) sida cidda noqon karta maintainer, reviewer, ama tester.
  • Admins waxay abuuri/sameyn karaan (create), tirtiri/masaxi karaan (delete), ama beddeli karaan (change) repositories-ka mashruuca.
  • Waxay dejiyaan sharciyada (rulesets) sida branch protection, access levels, CI/CD workflows,iyo security settings.
  • Admin-ka wuxuu mas’uul ka yahay in uu ilaaliyo mashruuca, la socdo wax walba oo dhacaya, oo uusameeyo go’aamada ugu dambeeya marka ay khilaaf dhacaan.

2. Maintainers:

  • Maintainers waa dadka u xil saaran maamulka, horumarinta, iyo ilaalinta tayada guud ee mashruuca, iyagoo si joogto ah uga war haya una shaqeeya sidii mashruucu u kobci lahaa.
  • Waxay dib u eegis ku sameeyaan code-ka ay qoraan contributors, iyagoo faallooyin ka bixinayahaddii ay jiraan khaladaad ama horumarin loo baahanyahay.
  • Waa masuuliyiinta diyaarinta ama qorista documentation-ka haddii mashruuca u baahdo.
  • Waxay ka jawaabaan su’aalaha ka yimaada developers-ka kale ama dadka danaynaya mashruuca.

3. Reviewers:

  • Reviewers waa dadka loo xilsaaro inay dib u eegaan codka (PR) ee uu qof kale soo gudbiyo.
  • Waxay hubiyaan in code-ku la jaanqaadayo nidaamka mashruuca (standards) iyo in uusan keenayn dhibaato(bugs) ama khaladaad.
  • Reviewers ma laha awoodda tooska ah ee midaynta (merge) PR, laakiin waxay bixiyaan oggolaansho ama talooyin.

4. Testers:

  • Testers waa dadka hubiya in mashruucu si sax ah u shaqeynayo, iyadoo la baarayo qaladaadka, cilladaha, ama iswaafaq la’aanta ka jirta code-ka.
  • Waxay si taxaddar leh u tijaabiyaan features cusub ka hor inta aan la midayn (merge), si loo hubiyo inaysan wax u dhimayn shaqada jirta ama keenin cillado cusub.
  • Waxay u sheegaan developers-ka haddii ay arkaan cillad, waxayna raaciyaan tallaabooyin fudud si loo fahmo sida ay cilladda ku dhacday.

5. Contributors:

  • Contributors waa dadka si toos ah wax uga beddela ama ku darsada mashruuca, iyagoo code cusub qoraya, khaladaad saxaya, ama wax ka tirtiraya.
  • Waxay soo diraan Pull Requests (PRs) si loo eego loona daro wixii ay ku darsadeen mashruuca.
  • Kuwa aan code qorayn haddana ka qayb qaata, sida kuwa ku darsada qoraallo, turjumaad, design, amafeedback, iyagana waxaa loo aqoonsan karaa contributors.
  • Qof walba wuu noqon karaa contributor haddii uu ilaaliyo shuruucda mashruuca (contribution guidelines) iyo anshaxa guud.

Sida Aan U Shaqeyno / How we work

1. Fikraddu waxay ka iman kartaa xubin kasta

Xubin kasta oo ka mid ah SomOpen wuxuu keeni karaa fikrad cusub. Laakiin fikraddaas si toos ah looma oggolaanayo, dhammaanteen waan eegnaa si aan u fahamno faa’iidada ay u leedahay qof ahaan iyo guud ahaan bulshada Somali tech.

2. Haddii fikradda ay tahay mid faa’iido leh, waxaa loo kala jabinayaa hawlo yaryar oo fudud oo la qaban karo

Marka fikradda la oggolaado, waxaa loo kala jabinayaa hawlo yaryar oo fudud oo la qaban karo. Hawl-qaybintan waxaa sameyn kara:

  • Admins, haddii ay jirto baahi guud iyo qorshe degdeg ah,
  • Xubinta keentay fikradda, haddii uu qofka diyaar u yahay inuu hormuud ka noqdo,
  • ama core team-ka SomOpen, si loo hubiyo in hawsha loo kala qaybinayo si habeysan oo la maamuli karo.

Waxaa muhiim ah inaan hawl weyn qof keliya lo xil saarin. Tusaale:

  • Halkii hal qof uu qaban lahaa frontend-ka oo dhan, waxaan u kala jabinaynaa/qaybinaynaa sidan:

    • Navbar
    • Sidebar
    • Footer
    • Page layout
    • Responsive design

Sidan, dhowr xubnood ayaa si wadajir ah ugu shaqeyn kara, qof walbana wuu dooran karaa qaybta uu jecel yahay ama ku fiican yahay.

3. Doorashada hawsha

Qof walba wuxuu dooran karaa hawsha uu xiiseynayo ama uu ku fiican yahay.

4. Wada shaqeyn iyo is-xog waraysi

Xubnuhu waxay isula xiriiraan/xidhiidhaan inta ay shaqadu socoto, si hawl walba ugu dhamaato si isku dheelitiran.

5. Dib-u-eegis iyo midayn

Marka qayb la dhammeeyo, waxaa dib u eegaya maintainers ama reviewers, ka dibna lagu darayaa mashruuca weyn.


Tusaale Fudud: Dhisidda Website

  • Fikrad: Xubin baa leh "Aan dhisno website cusub oo mashruuca SomOpen u gaar ah."

  • Dhammaan xubnaha ayaa ka doodaya si loo qiimeeyo faa’iidada.

  • Marka la oggolaado, waxaan u kala jabinnaa shaqada sidan:

    • NavbarAdam
    • SidebarMohamed
    • FooterAmal
    • Hero sectionAisha
    • Mobile responsivenessKhalid

Halkii hal qof kaligiis u qaban lahaa dhammaan qaybta frontend-ka, hadda waxaa suurtagal ah in dhowr qof ay si wadajir ah uga shaqeeyaan qaybo kala duwan. Tani waxay ka dhigeysaa shaqada mid fudud, la fahmi karo, isla markaana dhiirrigelisa iskaashi, taasoo ah ujeeddada ugu weyn ee SomOpen.


SomOpen wuxuu u dhisan yahay si uu u fududeeyo shaqada kooxeed/team-ka, iyadoo la iska kaashanayo, la kala qaybinayo hawsha, qof walbana uu fursad u helo inuu si sahlan uga qayb qaato mashruuca.

About

SomOpen's Main Repo

Topics

Resources

Stars

Watchers

Forks

Releases

No releases published

Packages

No packages published

Contributors 2

  •  
  •